Mucaaradka Mali oo sheegaya in xubno laga xiray

Isbeheysiga mucaaradka dalka Mali ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay xabsiga u taxabeen laba ka mid ah hoggaamiyaashii hor kacayay dibadbaxyo dhacay oo dowladda looga soo horjeedo.
Garabka mucaaradka ee wadankaas ayaa sido kale sheegay in sarkaaiisha ay howlgallo ka sameyeen xaruntiisa dhexe.
Dibadbaxa ayaa yimid kaddib markii xubnaha mucaraadka Mali ay diideen codsi uga yimid madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita kaasoo lagu doonayay in lagu xalliyo Isfahan waaga siyaasadeed kaddib doorasho baarlamaani oo lagu kala qeybsamay bishii saddexaad.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Mali ayaan weli ka jawaabin eedeynta uga timid mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here