Mucaaradka Thailand oo ra’iisul wasaaraha dalkaas ugu baaqay inuu is casilo

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalka Thailand ayaa ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyadoo baarlamaanka wadankaas uu yeelanaya kal- fadhi gaar ah oo looga hadlaya dibadbaxyada socday saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Mudaharaadyada oo ay arday soo billaabeen ayaa lagu dalbanayaa isbeddelo dhanka hoggaanka oo ay ka mid yihiin iscasilidda ra’iisul wasaare Prayuth iyo dastuur cusub oo lagu dhimaya awoodaha boqor Maha Vajiralongkorn.
Madaxa xisbiga mucaaradka Thailand ee Pheu Thai party, Sompong Amornvivat ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu caqabad iyo culeys ku yahay dalkaas sidaas awgeedna ay ugu baaqayaan inuu is casilo si xaaladda taagan looga gudbo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here