Mudaaharaad lagu doonayo in wax looga qabto isbeddelka cimilada oo bilowday

Kumannaan ka mid ah ardayda dalka Australia iyo wadamada kale ee qaaradda Aasiya ayaa maanta oo jimco billaabay dibadbaxyo caalami ah ay ku doonayaan in madaxda caalamka ay la tacalaan isbeddelka ku yimaado cimilada.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo hoggaamiyaasha dunida ay kulan qodobkan ku saabsan oo ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay yeelanayaan
Muuqaalo iyo sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbax ka socdo magaalada Sydney.
Waxaa uu sido kale qorshuhu yahay in dibadbaxyadan kuwo la mid ah inay ka dhacaan ilaa 150 wadan.
Ujeedada laga leeyahay mudaaharaadyada ayaa ah in indhaha caalamka la soo jiido si hal cod ah loogu hadlo marka ay timaado xal u helidda saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here