Mudaharaadyaal iyo booliska Hong Kong oo iska hor yimid

Dad mudaaharaadyo dhigayay iyo Booliiska jamhuuriyadda Hong Kong ayaa gacanta isula tagay gudaha magaaladda Hong Kong xilli loo dabaal dagayay Sanad Guuraddii 22 aad ee kasoo wareegay wakhtigii xukunkii Ingiriisku uu Jasiiradda ku wareejiyay dowladda Shiinaha.
Carrie Lam oo ah madaxa fulinta ayaa ka qayb gashay munaasabad Sanadle ah oo calanka lagu saarayay.
Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaneesay mudaharadyaasha si ay u kala eryaan.
Todobaadyadii la soo dhaafay malaayiin ruux ayaa banaan-baxyo ka dhigayay Hong Kong waxayna diidanaayeen Sharci ogolaanaya in dadka dambiyadda lagu eedeeynayo loo gacan geliyo dowladda Shiinaha si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Xukuumadda ayaa ogolaatay in ay meesha ka saarto sharciga dhaliyay carada dadweynaha.
Marwo Lam ayaa dhankeeda loogu baaqayaa in ay iscasisho dadkii tiro ahaan ugu badnaa ayaana la filayaa in ay ka qayb galaan mudaharaadyo kale oo la qorsheeynayo in ay ka dhacaan Hong Kong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here