Mudanaha bariga Embakasi oo maxkamadda ku laabanaya

Xildhibaanka deegaanka bariga Embakasi ee magaalada Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa lagu wadaa inuu maanta maxkamadda mar kale ka soo hormuuqdo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamaddu ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ilaa 27-ka Jannaayo oo maanta ah.
Garsooraha maxkamadda Milimani ,Francis Andayi ayaa lagu wadaa inuu eego codsi uu gudbiyay qareenka mudanaha oo ah in damiin lacageed lagu siidaayo.
20-kii bishan ayay ahayd markii Babu Owino uu iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay.
Waxaa loo haystaa inuu toogasho kula kacay mid ka mid ah howlwadeenada goob lagu caweeyo oo loo yaqaano B-Club.
Falkaas ayuu gaystay 17-kii bishan aan ku guda jirno.
Mudanaha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu ka takhaluso Felix Odhiambo Orinda oo weli xaaladiisa caafimaad lala taacalayo kaddib toogashadii lagula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here