Mudanayaasha baarlamaanka Yurub oo dhaleeceeyay tallaabada Israil ay ku qabsanayso Daanta Galbeed

In ka badan 1,000 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dhalleeceeyay qorshaha Israa’iil ay ku doonayso inay ku qabsato Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan iyagoo sheegay in tallaabadani ay wax u dhimayso rajada nabadda ee Israa’il iyo Falastiin.
Xildhibaanada oo matalaya 25 dal oo Yurub ah ayaa ku booriyay hogaamiyaasha inay ka hortagaan hanaanka ay kula wareegayaan dulka isla markaana ay badbaadiyaan rajooyinka xalka ee labada dowladood.
Cambaaraynta ayaa imaanaysa ka hor kulan muhiim ah oo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay qabanayso maalinta Arbacada oo nah diiradda lagu saarayo tallaabada dib-u-dajinta.
Shirkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee caalamiga ah oo wax looga qabanayo xaaladda ka hor inta aysan tallaabadda ku dhaqaaqin Isra’iil.
Laga bilaabo 1da Luulyo, xukuumadda Raiisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay inay dib u dejin ku sameyn doonto degsiimooyinka Yahuudda ee Daanta Galbeed tallaabadan ayuu nah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu magac daray “Qorshaha Bariga Dhexe” ee uu soo jeediyay bishii Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here