Muddo Xileedka Taliyaha Guud ee ciidamada difaaca dalka oo la kordhiyay

Taliyaha  ciidamada  gaashaandhigga ee dalka   Jeneraal Samson Mwathethe ayaa sii shaqayn doono   hal sano oo dheeraad ah kaddib markii madaxweynaha  wadanka  Mr. Uhuru Kenyatta  uu u kordhiyay muddo xileedkiisa shaqo.

Hoggaamiyaha  dalka ayaa  hoosta ka xariiqay inuu go’aankan qaatay kaddib talasiin uga timid  dhanka  golaha difaaca.

Muddo  kordhinta  Mr. Mwathethe  ayaa si rasmi ah u dhaqangashay  shalay oo isniin ahayd.

Golaha  difaaca  ayaa waxaa guddoomiye   ka ah wasiiradda wasaaradda gaashaandhigga ee dalka  Mrs. Raychelle Omamo waxayna xubnuhu soo jeediyeen dallacsiin iyo magacaabid   loo sameynayo  qaar ka mid ah saraakiisha difaaca taasi oo  madaxweyne Uhuru uu tixgeliyay.

Adan Kancharo  ayaa loo magacaabay  taliyaha  machadka qaran ee  tababarka  difaaca   halka  George Nganga loo magacaabay agaasimaha  adeegyada caafimaad ee militariga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here