Mudo Xileedka Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta ku eeg

9 bisha 10 ee October ee Sanadkaan 2020 oo Maanta ku began ayaa waxay ku egtahay mudo Xileedka baarlamaankaa Maamulka Hirshabeelle waxaana dhanka kale wali taagan Khilaaf la xiriira doorashada Maamulkaasi.
Jadwalka doorashada iyo Soo Xulista Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle oo lagu waday in la gudo galo ayaa waxaa hada ku yimid kahad kadib markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare uu qaadacay.
Wali heshiis Rasmi ah lagama gaarin dhismaha Maamulka Hirshabeelle balse waxaa socda dadaalo ku aadan in Hirshabeelle loo dhiso Maamulka Masiirkeeda ka Taliya.
Masuuliyiin horay Xilal uga soo qabtay Soomaaliya,kuwo hada dowlada Xilal ka haya oo Xildhibaano ay ka mid yihiin deegaanada Hirshabeelana ka soo jeeda ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen inay dadaalo badan ku bixinayaan Xalinta khilaafaadka ku gadaaman dhismaha maamulka hirshabeelle.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu dhawaan magaalada jowhar gaaro Gudoomiyaha baarlaamaanka Hirshabeelle ee muda Xileedkiisu dhamaaday Cismaan Barre Maxamed si uu kulamo ula qaato gudiga Farsamada ii dhisamaha Maamulka Hirshabelle,wallow uu horay u sheegay in xilka gudoonka iyo Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku egyahay marka la soo doorta Baarlamaanka Xiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here