MUHURI oo maxkamadda geysay dacwad ka dhan ah dowladda

Hay’adda muslimiinta ee xuquuqul aadanaha ee MUHURI ayaa maxkamadda geysay dacwad ay uga soo horjeeddo in dadka lagu karantiilaya goobaha kala duwan ee dowladda ay qarashaadka bixiyaan.
Guddomiyaha MUHURI, Khelef Khalifa ayaa sheegay inaynan suurtagal ahayn sida uu hadalka u dhigay iyadoo xarumahan aynan badneyn haddana dadka lagu hayo ay dusha saartaan lacagaha ku baxo adeegyada loo fidinaya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay sido kale khalad tahay in shakhsiyaadka xilliga bandowga habeenkii waddooyinka laga qabto la karantiilo.
Mr. Khelef ayaa dhanka kale doonaya in Dowladda ay faahfaahin ka bixiso qaabka ay u adeegsanaysa lacagaha ay aruurisay sido kalena ka heshay bangiga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here