Mulkiilayaasha hubka sharciyeysan oo cambaareeyay dil ka dhacay Nairobi

Ururka ay ku mideysan yihiin mulkiilayaasha qoriyaha ay dowladda sharciyeysay ee (NGAOKenya) ayaa si kulul u cambaareeyay dil habeenkii ay sabtida soo galaysay ka dhacay xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Waxaa dhacdadaas looga takhalusay nin ay da’diisu ahayd 28 sano oo lagu magacaabi jiray Kevin Omwenga.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la rumeysan yahay in dilkan uu ka dhashay muran dhanka ganacsiga ah.
Bayaan uu ururkan soo saaray ayuu ku sheegay in dowladda laga doonayo inay tallaabo adag ka qaado cid kasta oo hub sidata oo u adeegsata si aan habbooneyn hadii ay rayid tahay ama ay ka tirsan tahay ciidamada booliska.
Waxaa ururkan xubno ka ah ilaa 18,000 qof oo ay dowladda u ogolaatay inay si sharci ah hubkooda u isticmaalaan.
Sido kale ururkan ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Omwenga.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ganacsade lagu magacaaboChris Obure oo lala xiriiriyay dilkii Omwenga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here