Mulkiilihii gurigii ku dumay Embakasi oo la raadinayo

People and rescue workers attend the scene of a building that collapsed in Tasia Embakasi, an east neighbourhood of Nairobi, Kenya on Friday Dec. 6, 2019. A six-story building collapsed in Kenya's capital on Friday, officials said, with people feared to be trapped in the debris. Police say people have been rescued by residents using their bare hands. (AP Photo/Khalil Senosi)

Saraakiisha ammaanka ee dalka ayaa raadinaya mulkiilaha guri ka kooban 6 dabaq oo maalinkii jimcada ku dumay xaafadda Taasia ee deegaan baarlamaaneedka Embakasi ee Nairobi.
Waxaa dhanka kale weli socdo howlaha halkaasi looga saarayo burburka.
Ilaa iyo hadda 10 qof ayaa dhacdadaasi ku dhimatay markii galinkii dambe ee shalay la soo helay meydadka saddex qof oo dheeraad ah.
Taliyaha saldhigga booliska ee Embakasi ,David Apima ayaa sheegay in saddexdan ruux ay isugu jiraan laba carruur iyo qof weyn oo rag ah.
Waxaa ilaa iyo hadda la soo samata bixiyay 36 qof .
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegaysa inaan weli meel lagu ogeyn 7 qof oo loo maleynaya inay ku hoos jiraan dhismaha dumay oo ka koobnaa 6 dabaq.
Waxaa howlaha samatabixinta qeyb ka ah ciidamada difaaca dalka, saraakiisha waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka iyo howlwadeenada hay’adda laanqeerta cas.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan deegaankaas James Wanyoike ayaa sheegay inaynan weli caddeyn mudada uu qaadan doono howlgalka badbaadinta.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in daartaasi laga dhisay meel biyo mareen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here