Munaasabad qaran oo dalka loogu duceynayo oo maanta ka dhacaysa Nairobi

Waxaa maqaaxida Safari Park ee magaaladatani Nairobi ka socoto munaasabad qaran oo Alle bari ah taasi oo dalka loogu duceynayo.
In ka badan 3000 oo qof ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan xafladani oo uu marti sharaf ka yahay madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit.
Waa munaasabadii 17-aad ee nooceeda ah oo la qabto iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in Alle laga baryo sidii wadanka ay midnimo uga jiri lahayd sido kalena xal loogu heli lahaa caqabadaha jira.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Kenyaanka ku hoggaamin doono munaasabadda ducada oo sannadkiiba hal mar ah la qabto.
Mas’uuliyiinta halkaasi ku sugan waxaa ka mid ah madaxda diimaha, hoggaamiyaasha xisbiyada Wiper iyo ANC ee kala ah Kalonzo Musyoka iyo Musalia Mudavadi.
Madaxweynaha dalka ayaa la filayaa inuu ka hadlo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sida maamulka uu hoggaamiyo uu uga shaqeynayo midnimada iyo wadajirka shacabka.
Shalay ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji, dhigiisa waaxda dambi baarista Mr. George Kinoti iyo madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Mr. Twalib Mbarak ay si wadajir ah u sheegeen inaan marnaba laga daali doonin la dagaalanka falalka wax isdabamarinta iyagoo madaxda kaniisadaha ugu baaqay inaynan qadaadan lacagaha ay bixiyaan siyaasiyiinta si looga hor tago in lagu deeqo dhaqaale la lunsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here