Musalia Mudavadi oo dalbaday in guddi loo saaro baaritaanada musuqmaasuq hareeyay wasaaradda caafimaadka

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu soo magacaabo gudddi xaqiiqa raadis ah oo baaritaano qoto dheer ku sameeya falal musuqmaasuq oo laga soo tabiyay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Mr.Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay inaan la fududeysan karin in la lunsaday lacagaha loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19.
Waxaa uu dalbaday in dabagal lagu sameeyo qalab caafimaad oo maamulka KEMSA lagu eedeyay inuu ku soo iibiyay qiimo sare.
Mudavadi ayaa ku nuuxnuuxsaday in sida ugu fudud ee lagu ogaan karo lacagta la dhacay iyo cidda lunsatay ay tahay in guddi madax bannaan la magacaabo.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in falalka musuqmaasuqa oo aan wax laga qaban ay dhaawacayaan sumacadda maamulka talada haya ee Jubilee.
Sido kale waxaa uu xusay inay sababi karaan in Kenya aan la siin deeq caalami ah.
Mr. Mudavadi ayaa sheegay in agaasimaha waaxda dambi baarista Mr. George Kinoti iyo dhigiisa dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji ay ku howlan yihiin baaritaano la xiriira fala kale sidaas awgeedna ay sanado ku qaadan karto inay soo bandhigaan fadeexadda saameysay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Hadalka Musalia Mudavadi ayaa ku soo aadaya iyadoo xisbiga ODM bayaan uu shalay soo saaray waxba kama jiraan ku tilmaamay fadeexadda si weyn loo hadal hayo halka guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu billaabay baaritaano arrinkan ku aaddan.
Maamulo ka hor ayay ahayd markii guddiga maamulo KEMSA uu si ku meel gaar ah shaqada uga eryay madaxii fulinta Jonah Munjari , agaasimaha soo iibsashada qalabka Charles Juma iyo mas’uulka ugu sarreeya ee dhanka ganacsiga Eliud Muriithi kaddib qandaraas la bixiyay oo ku kacayay 7.7 bilyan oo shilin iyo arrimo kale oo su’aal la geliyay.
Dhanka kale isbeheysi ka kooban ilaa 25 ka mid ah ururada bulshada ayaa doonaya in madaxweynaha uu jeediyo khudbad ku saabsan falalka musuqmaasuqa ee walaaca laga muujiyay.
Sido kale waxay doonayaan in madaxweynaha uu shaaciyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka si loo ilaaliyo kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Dhanka kale Senatarkii hore ee ismaamulka Kakamega Dr. Boni Khalwale ayaa dalbaday inuu xafiiska baneeyo wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe .
Dr. Khalwale ayaa Kagwe ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadda la xiriirta lacago loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19 oo la sheegay in la lunsaday.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in is casilidda wasiirka caafimaadka ay tahay fursad lagu sameyn karo baaritaano madax bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here