Musalia Mudavadi oo dalbaday isla xisaabtan ah dhanka mashruuca SGR

Madaxa xisbiga ANC, Musalia Mudavadi ayaa ku biiray siyaasiyiinta soo jeediyay in dowladda ay faahfaahin dhameystiran ka bixiso mashruuca dhismaha marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay go’aamisay in dowladda aynan adeegsan hab-raaca habboon ee qandaraas bixinta xilli mashruucan loo xilsaaray shirkad laga leeyahay Shiinaha.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoorayaasha kala ah Martha Koome, Gatembu Kairu iyo Jamila Maxamad.
Amarka maxkamadda ayaa ku soo beegmay kaddib markii Okiya Omtatah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha iyo ururka qareennada dalka ee LSK ay maxkamadda u gudbiyeen dacwad ay kaga soo horjeedaan qaabkii dowladda ay u hirgelisay mashruucan horumarineed.
Mr. Mudavadi ayaa hadda dalbanaya in wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yattani iyo dhigiisa gaadiidka Mr. James Macharia ay caddeyaan qaabkii lagu bixiyay qandaraaska lagu dhisay SGR-ka.
Sido kale waxaa uu doonaya in Kenyaanka lala wadaago qiimaha lacagta ee dowladda kaga baxday fulinta mashruucan.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka la doonayo inay daremaan faaiidada dhaqaale ee barnaamijkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here