Musalia Mudavadi oo dhaliilsan bandowga habeenkii

Hoggaamiyaha xisbiga ANC, Musalia Mudavadi ayaa Dowladda dhexe ku dhaliilay amarka dhaqangalay ee ku aaddan bandowga.
Bandowga oo dhaqangalay galinkii dambe ee maalinkii Jimcaha ayaa shaqeeynaya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Mr. Mudavadi ayaa cambaareeyay howlgallo ay ciidamada booliska sameeyeen habeen hore iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo laga dhex arkaya jirdil ay boolisku gaysanayaan.
Dowladda ayaa dhankeeda sheegaysa in bandowga looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus kaasoo kiisas la xiriira gudaha wadanka laga xaqiijiyay.
Mr.Mudavadi ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay boolisku gaysteen sida uu hadalka u dhigay ay caddeyn u tahay in dowladda aynan bandowga lagu dhawaaqay sida habboon u qorsheyn.
Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayuu Mudavadi kula taliyay inuu ciidamada ku booriyo inay is xakameeyaan oo aynan awood xad dhaaf ah shacabka ku adeegsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here