Musalia Mudavadi oo sheegay inuu dowladda la xisaabtamayo

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Mr. Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuu Raila Odinga kala wareegay la xisaabtanka dowladda.
Mr. Mudavadi ayaa carrabka ku dhuftay in urur weynaha mucaaradka ee Nasa uu noqday keliya mid keliya magac ahaan jiro balse aan si buuxda ula xisaabtamin dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in xisbiyada siyaasadeed ee soo dhisay isbeheysigan aynan sidii hal xubin ah u wada shaqeynin.
Mr. Mudavadi ayaa hoosta ka xarrriiqay inuu in muddo ah u taagnaa inuu ka hadlo arrimaha ka jiro wadanka si uu u jiro garab kale oo dowladda ka madax bannaan oo dhaliili karo marka ay khaldan tahay.
Hasa ahaate waxaa uu soo jeediyay in la joogo xilligii laga gudbi lahaa siyaasadda mucaaradka ee ku saleysan amar diidada iyo wax burburinta sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here