Musalia Mudavadi oo sheegay inuunan siyaasad ahaan ku biiri Karin Ruto

Kaddib markii dhawaan uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu hoggaamiyaha ANC ugu baaqay inuu ku soo biiro si ay sannadka 2022-ka maamul cusub u soo wada dhisaan, ayaa waxaa soo jeedintaasi gaashaanka u darruuray Musalia Mudavadi.
Mr. Mudavadi ayaa maamulka talada haya ee Jubilee eedeymo u jeediyay isagoo xusay in hiigsiga xisbiga uu hoggaamiyo uu yahay in isbeddel dhanka hoggaanka ah la keeno.

 

Dhanka kale Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale ku baaqay in isbeddelada la doonayo in lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan ay noqdaan kuwo dani guud ay shacabka ugu jirto oo aynan siyaasad ahaan ka faaiideysaneyn shakhsiyaad gaar ah.
Waxaa uu guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI u soo jeediyay in sida uu hadalka u dhigay aynan Kenyaanka ku mashquulinin in wax laga weydiiyo dastuurka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinta la doonayo ay tahay in isbeddelka dastuurka dalka lagu sameynayo wax laga weydiiyo cidda dareenkaasi qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here