Museveni oo mamnuucay aroosyada

Madaxweynaha dalka Uganda ,Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday amar lagu mamnuucayo isku imaatinnada waweyn sida aroosyada .
Amarkan ayaa shaqeyn doono muddo 32 cisho ah si looga hor tago cudurka COVID-19.
Uganda ilaa iyo hadda wax kiis ah lagama soo tabin balse Museveni ayaa xusay inay Khasab tahay in taxaddar la sameeyo.
Sido kale laga billaabo maanta waxaa la xiraya dugsiyada iyo Jaamacadaha dalkaas.
Museveni ayaa intaas ku daray in maadaama kiisaska cudurkan lagu arkay wadamada Uganda dariska la ah sida Kenya, Tanzania iyo Rwanda ay sido kale xaddidayaan socdaalka.
Maamullada Isbitaallada, bangiyada , suuqyada iyo xarumaha waaweyn eel aga dukaamaysto ayaa laga doonaya inay nadaafadda ku dadaalaan.
Lama ogolo In dad ka badan 10 qof ay hal meel isugu tagaan.
Dowladda Uganda ayaa dhanka kale sheegtay inay aaseyso qof kasta oo coronavirus u dhinta.
Waaxyaha gaadiidka dadweynaha ayaa lagu amray inay xaqiijiyaan in gacmaha lagu dhaqdo meelaha baabuurta laga raaco.
Madaxweynaha dalkaas ayaa shacabka ku booriyay inaynan safrin hadii aynan arrin darruuri ah jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here