Musharaxa madaxtinimo ee mucaaradka Tanzania oo diiday natiijada codeynta

Tundu Lissu oo ahaa musharaxii garabka mucaaradka ee dalka Tanzania ku matalaya doorashada madaxtinimo ayaa lagu soo warramayaa inuusan oggolaan natiijada ka soo baxday codeynta.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Dar es Salaam, ayuu Lissu ka sheegay in natiijada aysan sax ahayn oo khiyaano laga dheehan karo.
Waxaa uu adeegsanayay tikeetka xisbiga (Chadema) isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la caddeyn Karin tirada codadka ee uu shaaciyay guddiga qaran ee doorashooyinka wadanka Tanzania.
Siyaasigan ayaa xusay inaysan aqoonsaneyn doorashada dhacday maadaama uu hoosta ka xarriiqay inay marxalad kasta khaladaad jireen.
Natiijada hor dhacaya ah ayaa muujinaysa in madaxweynaha hadda talada haya John Magufuli oo doonaya in mar kale la soo doorto uu musharaxiinta kale ku hoggaaminaya tirada codadka la dhiibtay ee la tiriyay.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here