Musharaxa xildhibaananimo ee Kibra , Mariga oo ku adkeysanaya inuu codbixiye yahay

Cayaaryahaanka MacDonald Mariga ahna musharaxa xisbiga Jubilee ee doorashada ku celiska deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi ayaa weli ku adkeysanaya inuu iska diiwaangeliyay hannaanka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Shalay ayay ahayd markii saraakiisha guddiga IEBC ay sheegeen in Mariga uunan u tartami Karin xilka xildhibaananimo ee Kibra maadaama sida iyaga u muuqato uunan codbixiye ahaan isku diiwaangelin.
Hasa ahaate waxaa uu ku doodaya arrin la yaab ku noqotayna uu ku tilmaamay in magaciisa laga waayay liiska codbixiyayaasha ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu haystaa muddo toddobo maalmoo ah oo uu go’aanka IEBC racfaan kaga qaadanayo .
Jagada baarlamaneed ee deegaanka Kibra ee loo tartamayo ayaa bannaanaatay kaddib markii uu cudurka Kansarka u geeriyooday Ken Okoth oo baarlamaanka ku matalayay.
Mariga ayaa haddii uu isdifaaco waxaa uu lqa tartami doonaa Bernard Otieno Okoth oo ODM matalaya iyo siyaasiyiin kale oo ka kala tirsan xisbiyada ANC iyo Ford Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here