Musharaxii ODM oo ku guulaystay doorashadii deegaanka Hoose ee Batalu

Doorasho ku celis ahayd oo shalay ka dhacday deegaanka hoose ama woodka Batalu ee deegaan baarlamaneedka waqooyiga Wajeer ayaa natiijada ka soo baxday waxaa ku guulaystay Jimal Cabdi Xassan oo matalayay xisbiga mucaaradka ee ODM.
Waxaa uu helay codad gaaraya 1,647 halka Aadan Ibrahim Idho oo ku soo xigay uu soo hooyay 1,067
Waxaa deegaankaasi hoose iska diiwaangeliyay codbixiyayaal gaaraya 4,690 balse codeynta waxaa ka qeyb qaatay 2,724 qof oo u dhiganta boqolkiiba 58.08% .
IEBC ayaa horay wargeyska rasmiga ee dowladda ugu soo daabacday in doorasho ku celis ah ay deegaankaas ka qabsoomayso .
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii warqad 3-dii bishii sagaalaad ee sannadkan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Wajeer lagu sheegay in xilkaas uu bannaan yahay.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in warqaddaas ay heshay 6-tii Sebteembar kaddibna ay diyaar garoow guda gashay.
Doorashada ku celiska ahayd ayaa timid kaddib markii waxba kama jiraan laga soo qaaday guushii 8-dii bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii u soo hooyatay Mr Ibrahim Nuur Xussen oo helay codad gaaraya 1,099 .
Waxaa natiijadaas aan ku qancin oo dacwad ka dhan ahayd maxkamadda geeyay Mr jamaal Cabdi Xassan oo nambarka labaad soo galay.
2-dii bishii labaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda Wajeer ay laashay natiijadii doorashada ee deegaanka hoose ee Batalu.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in doorasho hor leh ay dhacdo balse Mr. Ibraahim ayaa taasi ka soo horjeestay oo racfaan ka qaatay waxaana ugu dambeyn la isla tagay maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo amartay in codeynta lagu celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here