Musharaxiinta gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta Khudbadahooda jeedinaya

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimada KMG ee maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta la filayaa inay kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed,iyadoo ay baarlamaanka hortagayaan musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi.
Musharixiin gaaraysa Shan qof ayaa u taagan qabashada xilalka guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen,waxaana la filayaa inay Maanta jeedinayaan khudbadahooda musharaxnimo si uu u soo bandhigo qof walba waxa uu qaban doono hadii uu guuleysto xilka uu loolanka ugu jiro.
Musharixiinta Maanta Khudbadahooda jeedinaya ayaa waxaay kala yihiin.
1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Soomaaliya.
2: Xildhibaan Maxamed cabdiraxmaan Nuur oo isna u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo kali ah ayaa u tartamidoonta guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maalinta Beri oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 1-da Bisha afraad ee Apriil ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen sida gudiga doorashada agaasimaya ay maalmo ka hor shaaciyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here