Musharaxiinta madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Khudbado Jeedinaya

Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle sidoo kalena ah Xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa doorashada hogaanka Maamulkaas ugu sareeya waxaana halkaas ku sugan masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle,Masuuliyiin ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno kale oo iyaguna ka socda Maamul gobooleedyada dalka Soomaaliya ka jira.
Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in khudbadahooda ay jeediyaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa waxaana jira dhowr Xubnood oo isku diiwaan Galiyay inay qabtaan Jakada ay doonayaan inay qabtaan.
Maalinta berri oo arbaco ah ayaa lagu waddaa inay Magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku xigeenkiisa.
Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa u taagan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeen ka ahaa Maamulka Hirshabeelle.
Halka Madaxweyne ku xigeenka uu taagan tahay gudoomiyihii hore ee ee gobolka Hiiraan Yuusuf dabagadeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here