Muslimiinta oo muujiyay mowqifkooda BBI

Hoggaamiyaasha muslimiinta dalka oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay taagerayaan warbixinta BBI balse ay jiraan shuruudo ay ku saleynayaan go’aankooda.
Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM Xasan Ole Naado ayaa carrabka ku adkeeyay inay doonayaan in warbixintu aysan meesha ka saarin guulihii laga dhaxlay dastuurka hadda wadanka u degsan.
Dastuurkan oo la soo saaray sannadkii 2010-kii ayaa waxyaabaha laga faa’iiday waxaa ka mid ah nidaamka dowlad wadaajinta ee 47-da ismaamul ee wadanka ka jiro lagu soo dhisay.
Mr. Naado ayaa xusay in aysan waqti xaadirkan ka falcelinayn qodobbada warbixinta maadaama ay khuburro u saareen in ay si qoto dheer u eegaan .
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in mowqifkooda kama dambeyska ah ay ku saleynayaan sidee warbixinta BBI ay u sii xoojinaysaa dhaqangelinta dastuurka wadanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here