Musqul dadweeyne oo la iska dhex arka oo laga sameeyay Japan

Musqulaha dadweynaha Japan guud ahaan waxay leeyihiin heerar sare oo nadaafadeed sida musqulaha kale ee dadweynaha ee adduunka.
Horaantii sanadkaan, Hay’ada samafalka Nippon Foundation waxay biloowday “Mashruuca Tokyo toilet” waa iskuday hal abuur oo lagu daaweynayo dadka ka cabsada musqulaha.
Mashruucu wuxuu soo jiitay 16 naqshadeeye khibrad leh oo dib-u-habeyn ku sameeyay 17 musqulo dadweyne oo ku yaal beerta dadweynaha ee Degmada Shibuya, oo ka mid ah meelaha ganacsiga ugu badan ee Tokyo.
Musqulaha gobtan ayaa laga dhigay kuwo la iska dhex arkayo siiba dhowr miitar qofka kuu jira.
Sida lagu sheegay bayaanka Nippon Foundation, ujeedada ugu weyn ee dadaalkan ayaa ah “in dadku ay ku dareemi doonaan raaxo isticmaalka adeegsiga musqulaha dadweynaha iyo in ay ku dhiirrigeliyaan qofka xigo inuu ogaado in la isticmaalayo’’.
Marka dadku ay isticmaalayaan musqusha waxa ugu horreeya ayaa ah asturnaanta balse caasimadda Japan ee Tokyo ayaa iminka laga hir geliyay musqulaha noocan oo qofka isticmaalayo laga dhex arko.
Nippon Foundation ayaa sheegtay in labo arrimood dartood sidaas loogu naqshadeyay musqulaha tan koowaad waa in la ogaadaa inay nadiif tahay gudaha, tan labaadna waa in la arko in gudaheeda aan lagu jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here