Mutahi Kagwe oo sheegay in Fred Matiang’i uu haysto fursad uu xilka kagala wareego madaxweyne uhuru Kenyatta

Wasiirka waasaradda caafimaadka dalka ayaa shalay ugu baaqay qowmiyadda Kisii in ay ku taageeraan wasiirka arrimaha gudaha iyo iskuduwida howlaha qaranka Dr Fred Matiangi xilka culus ee dalka ka haayo.
Mr kagwe ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashi booqday ismaamulka Kisii si au ugu kuur galaan sida ismaamulkaasi ay ugu diyaar garoobeen la dagaalanka Covid-19.
Labada wasiir ayaa afar maalmood oo socdaal ah kukalabixin doonna ismaamulada kala ah Homabay, Kisii, Bomet iyo Kisumu si ay ugu kuur galaan saameynta Covid-19 uu ku yeeshay.
Mr Kagwe ayaa carabaabay in Matiangi uu haysto fursad uu ku tagi karo aqalka madaxtooyada ee State House hadii ay dadkiisa ka difacaan siyaasadda dibadda sida laga soo xigtay wargeyska Daily Nation.
Waxaa uu xusay Kagwe in hadii ay dadkiisa taageraan isaga ay fududeyn doonto in dadka kalena ay taageero u muujiyaan.
Barasaabka ismaamulka Kisii James Ongwae ayaa isna dhankiisa ku taageeray hadalka Kagwe isagoona sheegay in qowmiyadaasi uu hoggaanka u haayo Dr matiangi.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Kisii Sam Ongeri ayaa ka codsaday Dr Fred matianagi inuu cadeeyo inuu danaynayo howsha ugu sareysa dalka maadaama uu horey isu muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here