Muuse Biixi Ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo Cadaawad.

39

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo inuu cadaawad gaar ah ku haayo Somaliland.

Muuse Biixi oo Khudbad ka jeediyay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay tan iyo markii hoggaanka dowladda Federalka Somaliya uu qabtay Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay la kulmayeen cadaawad aysan horay u arkin 28-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland sheegay shacabka reer Somaliland inaysan qabin tabasho ku aadan Somaliya, balse ay la yaaban yihiin cadaawada gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliya uu ku haayo shacabka Somaliland.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Somaliya inteeda kale 1991, inkastoo wali aysan jirin Aqoonsi dowladnimo oo ay heshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here