Muwaadin kale ee Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu dilay

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa waxay sheegayaan in dalka koonfur Africa Xalay lagu dilay Muwaadinkii labaad ee Soomaali ah mudo hal todobaad ka yar.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaasi, kaasoo kamid ahaa Soomaalida Ganacsiyada ku leh halkaas, halka Goobo ganacsi oo ay Soomaali leeyihiin ay weerareen.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Kooxda Burcadda ah waxaay ku dileen Dukaankiisa oo ku yaalla Deegaanka lagu magacaabo Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo dilka kadibna goobta ka baxsaday.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay in ka hor dilka muwaadinka Soomaaliyeed iyo Kooxda Burcadda ah uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, isla markaana ay sidaasi ku dileen.
Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaay sheegayaan in kooxda Burcadda ah ay weerareen dhowr dukaan oo Soomaali leedahay kuna yaalla Deegaanka Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town, iyagoo ka qaatay agab kala duwan.
Sideedii bishaan ayay ahayd Markii Muwaadin kale oo Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xasan ay Kooxaaha Burcada ah ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Port Elizabeth ee dalkaaasi Koonfur Africa.
Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sannad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku leh Ganacsiyada waxaana toddobaadkii ka sii horeeyay ayadana aheyd markii muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here