Muwaadin Kenyaan ah oo cudurka Covid-19 ugu dhintay Sacuudiga

Safiirka Kenya ku matalo boqortooyada Sacuudi Carabiya ,Peter Ogego ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu halkaas cudurka Covid-19 ugu dhintay qof Kenyaan ah.
Bukaanka geeriyooday ayaa qabay xanuuno kale.
Mr .Ogego ayaa dhanka kale Kenyaanka ku nool Sacuudiga ugu baaqay inay raacaan talooyinka caafimaadka iyo amarrada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.
Wargeyska The Standard oo soo xiganaya safiirka ayaa ku warramaya in howlaha safaaradda ay Kenya halkaas ku leedahay si ku meel gaar ah loo hakin doono.
Tani ayaa tirada Kenyaanka ee wadamada kale ee caalamka ugu dhintay covid-19 ka dhigaysa ku dhawaad 10.
Laba muwaadin ayaa dhawaan ku dhintay ingiriiska halka 6 kale ay ka mid noqdeen dadka uu cudurka ku laayay gudaha Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here