Muwaadin Soomaali ah oo konfur Africa ugu geeriyooday jir dil Boolisku u gaystaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in dalka Koonfur Africa uu ku geeriyooday Muwaadin Soomaali ah la sheegay inay Jir dil u gaysteen Cidamada amaanka dalkaasi.
Muwaadinkaan Soomaali ah ee ku geeriyooday dalka Koonfur Afirca ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Sheekh Maxamuud wuxuuna Cisbitalka ugu geeriyooday jirdil ay u geysteen booliiska dalka Koofur Africa sida ay warbaahinta qaranka Soomaaliya u sheegeen qaar ka mid ah Soomaalida ku sugnaa halkii ay dhacdadaasi ka dhacday.

Ku simaha Sariifka dowlada Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa sidoo kalena ah Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi Cali Bagadi oo warbaahinta dowlada Soomaaliya isna la hadlay ayaa sheegay inay ka war sugayaan baaritaanada Socda ayna markasta garab taagan yihiin Muwaadin Soomaalliyeed ee dhibaatada loo gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here