Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa Waxay sheegayaan in Gudaha dalkaas dhaawac tooreey loo adeegsaday oo loo geystay uu ugu geeriyooday muwaadin lagu Magacaabi Jiray Ibraahim C/llaahi Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsiyada ku leh wadankaas.
Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in Maalmo ka hor ay tooreey Wadnaha kaga dhufatay Haweeneey ay murmeen, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town.
Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxayna sheegeen in dhaawac culus oo ka gaaray Wadnaha uu u geeriyooday, iyadoo Haweeneydii falkaasi ka dambeeysay ay xireen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kusii kordhays dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geysto xilliyada sanad dhammaadka, iyadoo markasta falalka dilka ah laga soo tabiyo wadankaas.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here