Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsiyada ku leh dalkaasi.
Muwaadinka Soomaaliga oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xasan Jacelow ayaa Kooxaaha Burcada ah waxaay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada port Elizabeth ee dalkaaasi Koonfur Africa.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliga ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaasoo sameeyay howlgallo aysan jirin Cid lagu Soo qabtay waxayna sheegeen inay sii wadayaan baadi goobka Kooxdii dilka geysatay.
Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sannad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku leh Ganacsiyada waxaana toddobaadkii hore ay ahayd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here