Muwaadin u dhashay dalka baxsadna ka ah Maraykanka oo lagu qabtay Mombasa

Saraakiil kala duwan ee laamaaha amniga ayaa gacanta ku dhigay shaqsi u dhashay dalka sidoo kalena baxsad ka ah dalka Maraykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Mansur Maxamad Surur da’adiisuna tahay 60 sano jir ayaa loo haysta ku lug lahaanshaha ganacsi sharci darro ah ee iib geynta foolasha Wiyisha iyo maroodiga ku waas oo ah xayawaanada duur jogta waxaana qiimaheeda lagu sheegay 700 milyan oo shilinka dalka oo una dhiganta 7 milyan oo dollar
Waxaa laga doonaya dalka Mareykanka isaga oo lala xiriirinayo ka ganacsiga sharci-darrada ee foolasha wiyisha iyo maroodiga.
Waxaa sidoo kale ku raad jooga dhowr waxood waxyna ku eedeynayaan ku lug lahaansha ka ganacsiga maandooriyaha.
Dambiilahan ayaa la sheegay in u ku lug lahaa ganacsiga in ka badan 35 foolasha wiyisha iyo 100 maroodiga.
Waxaa dhanka kale la sheegay inuu ka mid ahaa 47 qof oo Kenyaan oo ku xayirnaa dalka Yemen ku waas oo dalka dib ugu soo laabatay saaka.
Saraakissha laamaha amniga ee kala duwan ayaa ninkaan ka soo qabtay madaarka Moi ee Mombasa.
Waxaa loo kaxeeyay saldhigga booliska si su’aalo loo weydiiyo
Mr Surur ayaa la sheegay inuu xubin ka yahay koox ka ganacsato ganacsi sharci darro ah oo u fadhigeedu yahay dalka Uganda iyo waddamada ku xeeran iyagoona tahriibiya foolasha wiyisha iyo maroodiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here