Muwaadin u dhashay Hong Kong oo lagu soo oogay argagixisanimo

Nin da’diisu lagu sheegay 23 sano oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Hong Kong oo la arkay isagoo sito boor ay ku qoran tahay “Liberate Hong Kong, revolution of our times” oo ay micnaheedu tahay ha la xoreeyo Hong Kong , kacdoonka xilligeena ayaa dacwad lagu soo oogay.
Waxaa lagu eedeyay inuu ku kacay argagixisanimo iyo iskuday la xiriira gooni u goosad.
Maalinkii Talaadada ee toddobaadkan ayay ahayd markii xukuumada Beijing ee Shiinaha ay Hong Kong ka dhaqangelisay sharci qaran oo dhanka amniga ah.
Sharcigan ayaa dhigaya in cid kasta oo lagu cadeeyo inay isku dayday gooni u goosed, argagixisanimo ama ay la shaqeysay ciidamo shisheeye lagu xukumayo xabsi daa’in.
Dadka u dhaqdhaqaaqa dimuqaraadiyadda ee Hong Kong ayaa dhankooda sheegaya in sharcigan uu yahay mid lagu caburinaya madax bannaanida jamhuuriyadaas.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo golaha wasiirada ee dalka Shiinaha uu Zheng Yanxiong u magacaabay agaasimaha maamulka cusub ee amniga qaran ee Hong Kong.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ee wararka ee Xinhua .
Mr.Zheng ayaa ilaa muddo dhow ahaa xoghayaha guud ee guddiga xisbiga Communist Party dhanka gobolka koonfureed ee Guangdong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here