Muwaadiniin Mareykan oo kamid ah dad loo qab qabtay afgambigii dhicisoobay ee dalka Venezuela

Saraakiisha amniga ee dalka Venezuela ayaa gacanta ku dhigay 8 dambiilayaal ah oo ay kamid yihiin labo u dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo dullan ku qaaday madaxweyne Nicolas Maduro, shirqoolkan oo la sheegay in uu ku lug lahaa ninka mucaaradka dalkaasi ee lagu magacaabo Juan Guaido.
Diosdado Cabello oo ka tirsan xisbiga socialist ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada laga arkayay nin loo xiray dambigan oo sheegayo in labo muwaadin oo Mareykan ah xabsiga loo taxaabay.
Qof xog ogaal ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in labadan nin la qabtay maalinkii Isniinta isla markaana ay ku jiraan gacanta militiriga sirdoonka ee dalka Venezuela.
Dalkan ayaa ku jiray burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaale tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Maduro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here