Muwaadiniinta shiinaha ee ku sugan dalka oo doonaya inay dalkooda ku laabtaan

Qiyaastii 400 oo muwadiniin Shiinees ah ayaa isu diyaarinayaa inay dalka isaga baxaan toddobaadka soo socda cabsi ay qabaan inuu dalka ku faafo caabuqa Corona Virus.
Muwaadiniintan shiinaha ayaa amar ay dalka kaga baxayaan ka soo qaatay maxkmadda sare ee Nairobi iyagoona ka codsaday in loo ogolaado inay dalkooda ku laabtaan.
Waxaa ay doonayaan in la daadgureeyo 16-ka bishaan June iyagoo ku doodaya in Kenya aysan heysanin awood caafimaad oo ay kula dagaalami karto hadii uu ku faafo fayraska COVID19.
Dadkan u dhashay wadanka Shiinaha ayaa codsaday in lagu qaado diyaarad duulimaad ah oo gaysa dalkooda.
Qareenkooda oo lagu magacaabo Mr Isaac Okinyo ayaa warbahainta Nation u sheegay in muwaadiniinta Shiinaha ay hadda ogolaansho ay dalka kaga baxayaan ka sugayaan wasaaradda arrimaha gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here