Mwangi Kiunjuri oo soo bandhigay xisbi cusub

Wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka Mr.Mwangi Kiunjuri ayaa soo bandhigay xisbi cusub oo uu hoggaaminayo.
Xisbigan ayaa loogu magacdaray ‘The Service Party (TSP) waxaana halqabsi u ah waxaan aaminsannahay u adeegidda shacabka.
Mr.Kiunjuri ayaa hoosta ka xarriiqay in axsaabta siyaasadeed loo aasaaso si awood dhanka maamulka ah loo helo.
Bishii koobaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaqada ka eryay Kiunjuri kaddib markii aan lagu qancin waxqabadkiisa.
Mr. Mwangi ayaa sido kale sheegay inay diiwaangelinayaan xubnaha xisbigan cusub marka la qaado xayiraadaha lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Covid-19.
Wasiirkii hore ee beeraha ayaa dhanka kale sheegay inuunan u tartami doonin xilka barasaabka ismaamulka Laikipia .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here