Myanmar oo siidaynaysa ku dhawaad 25,000 maxaabiis ah

Dowladda dalka Myanmar ayaa sheegtay inay xabsiyada ka siidayn doonto ku dhawaad 25,000 oo maxaabiis ah kuwaasoo dhawaan cafis loo fidiyay.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha wadankaas.
Madaxweyne Win Myint ayaa sheegay in 24,896 qof oo maxaabiis ah oo ay ka mid yihiin 87 ajaaniib ah si shuruud la’aan ah loo siidayn doono.
Tani ayaa timid kaddib markii walaaca laga muujiyay in maxaabiista ku xiran xabsiyada Myanmar ay halis ugu jiraan inay isku gudbiyaan caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here