Nabad Sugida Soomaaliya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen rag AL-shabaab ka tirsan

Ciidanka hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsanaa kooxaha dowlada Soomaaliya dagaalka kula jira
Warka ka soo baxay hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal ciidamada amaanka ee dowladda fedraalka Soomaaliya ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dhowr qof oo lala xiriirinayo ka mid ahaanshaha Al-shabaab.
Ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa tilmaamay in howlgalkaan oo ka dhacay banaanka magaalada ay u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan laba xubnood oo ka tirsan AL-shabaab iyo hubkii ay ku howlgelayeen.
Qoraal lagu daabacay barta twetterka ee Hay’ada NISA ayaa lagu Sheegay inay sidoo kale Ciidamado qabteen shaqsiyaad kale oo iyaguna shirkada u shaqaynayay qaybna ka ahaa kooxaha falalka amni darada ah ku howlan wallow aan la shaacin magaca shirkada iyo waxa ay ka shaqaynaysay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here