Nabadoon Star FM uga warramay kulan ay la yeesheen ra’iisul wasaare Khayre

Odayaasha beesha degta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ay ka wada hadleen tabasho ay ka qabeen qaabka Ahlusunna ay u qaateen kuraasta xildhibaanada beeshaan ku metali lahaa baarlamaanka Galmudug
Nabadoon Maxamed Aadan oo ka mid ah odayaasha saxiixayaasha ah ee Galmudug si weyna uga soo horjeeday in Ahlusuna ay qaadato kuraastooda ayaa sheegay in ay u tanaasuleen sidii Galmudug ay u dhismi lahayd .
Nabadoon Maxamed oo wariyahayaga gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud u warramay daqiiqado kaddib markii uu soo idlaaday kulankii ay la yeesheen ra’iisul wasaaraha ayaa faahfaahinaya waxyaabaha la isla gartay.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Guriceel ayaa ku biiray kacdoon dhawaan looga dhawaaqay degmadaas oo ah in bulshada degmada ay hesho maamul ay iyaga doortaan oo ay iska leeyihiin
Nabadoon Maxamed Aadan Rooble ayaa sheegay in Guriceel aysan lahayn wax maamul ah sida uu hadalka u dhigay waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka soomaaliya in bulshada degmada loo ogolaado dhismaha maamulkooda oo aan lagu daawan sida ay hadda tahay …

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here