Nabadoon Xalay lagu dilay Magaalada Kismaanyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaanyo ee xarunta Gobolka Jubadala Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay Xalay Rag hubeysan salaadii Maqrib kadib Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG u ah maamul Goboleedka Jubbaland.
Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqribka oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad oo ka tirsan Magaalda Kismaayo,waxaana la sheegay inay rasaastu ka haleeshay qeybaah sare ee jirkiisa.
Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in marka hore Nabadoonka uu soo gaaray dhaawac culus, iydoo markii dambe uu dhaawicii ugu geeriyooday Isbitaalka Magalada Kismaayo oo ay geeyeen dad ka mid ah eheladiisa.
Wararka ay baahiyeen warbaahinta Gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in Nabadoonka dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ku hubeysnaa Qoriga AK47, isla markana rasaastii uu furay ay sidoo kale laba ruux ku dhaawacmeen.
Suldaanka Xalay la dilay ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ugu caansan deegaannada maamulka jubbaland,waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee diidanaa qodobada ay dhowaan soo saareen guddiga doorashada Jubaland kuwaasoo uu kamid yahay in Odayaashu ay Saddex qof u soo gudbiyaan guddiga doorashada si ay iyaga ukala xushaan qofka Xildhibaanka noqonaya.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xalay Magalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanada Jubaland,ciidamada amaanka ayaana lagu soo waramayaa inay sameeyeen baaritaano aan weli dad lagu soo qabtay La shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here