Nairobi oo lagu sheegay ismaamulka ugu horreeya ee carruurta lagu xadgudbo

OCC distribution at the Hope Center Touring with Pastors

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in ismaamulka Nairobi uu ugu horreeyo liiska dowlad deegaanada dalka marka la eego xadgudubyada lagula kaco carruurta.
Darasaadkan waxaa sameysay hay’adda Childlike Kenya waxaana lagu xusay in sannadkii hore ee 2018-kii, gudaha caasimadda dalka laga soo tabiyay ilaa 52 kiisas oo la xariira tacdiyado ka dhan ah carruur.
Waxaa liiskan nambarka labaad iyo saddexaad ka galay ismaamulada Kiambu iyo Bungoma oo mid waliba laga diiwaangeliyay dhacdooyin kala ah 23 iyo 19 .
Xadgudubyada ugu badan ee loo gaysto carruurta ku nool ismaamuladan ayaa kala ah afduub, jirdil iyo in xilli hore si khasab ah loogu guuriyo.
Guud ahaan wadanka sannadihii 2017-kii iyo 2018-kii waxaa la soo tabiyay 2,835 oo ah kiisas ku saabsan xadgudubyo carruurta loo gaystay.
Dadka falalkan lagu eedeyay ayay da’dooda u dhexeysa 10 ilaa 35 sano.
Waxyaabaha falalkan loo aaneeyay waxaa ka mid ah mas’uuliyadda waalidnimo oo hooseyso , shaqa la’aanta, isticmaalka daroogada iyo cuqdad ka dhalatay dhibaatooyin la gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here