Nancy Janet Kabui Gathungu oo loo magacaabay hantidhowraha dalka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta aya Nancy Janet Kabui Gathungu u magacaabay xilka hantidhowraha qaranka.
War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee State House ayaa lagu sheegay in magaceeda loo gudbiyay aqalka baarlamaanka ee dalka.
Ms Gathungu ayaa ka mid ahayd saddex qof oo magacyahooda loo gudbiyay madaxweyne Kenyatta.
Xafiiska hantidhowraha qaranka ayaa banaanaaday bishii sagaalad ee sannadkii hore ka dib markii uu xilkiisa dhamaaday Edward Ouko oo hayay booskaasi sideed sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here