Natiijada imtixaanka KCPE oo la shaacin doono ka hor fasaxa Christmas

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ka hadlay xilliga lagu dhawaaqi doono natiijada ka soo baxdo imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe(KCPE) ee sannadkan.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in natiijada ardayda la soo bandhigi doono ka hor 25-ka bisha 12-aad ee sannadkan inta aan loo dabbaaldegin ciidda masiixiga ee loo yaqaano Christmas.
Prof .Magoha ayaa arrintan soo hadal qaaday xilli uu ku sugnaa deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi iyadoo la soo gabagabeeyay imtixaankii socday saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sannadkan la soo tabiyay wax ka yar 10 kiis oo ku aaddan wax isdabamarinada la xariira imtixaanaadka.
Prof. Magoha ayaa xusay in haatan ay diiradda saari doonaan Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee KCSE-da oo lagu wado inuu billowdo isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4-ta bisha 11-aad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here