Natiijada imtixaanka KCSE ee sannadkan oo maanta la shaacinaya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo natiijada ka soo baxday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee sannadkan (KCSE)
Ardayda ay tiradoodu tahay 699,745 ayaa 2019-ka u fariistay imtixaanka.
Maalinkii isniinta ayay ahayd markii guddiga golaha imtixaanada qaran ee KNEC uu yeeshay kulan uu ku ansaxinayay natiijada la filayo.
Prof . Magoha ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta la wadaagay arrinkan ka hor inta uunan si rasmi ah ugu dhawaaqin.
Imtixaanka KCSE-da ee sannadkan oo lagu qabtay 10,287 xarumood guud ahaan dalka ayay ardaydu sameeyeen intii u dhaxeysay 4-tii bishii 11-aad ilaa 27-dii isla bishaas.
Waxaa dhanka kale la soo tabiyay ilaa 21 dhacdo oo wax isdaba marin ah iyadoo la qabtay 90 ah taleefoonada gacanta.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee wadanka Prof. George Magoha ayaa inta aynan imtixaanada billaaban ka hor sheegay in dugsiyo dhan 300 si dhow isha loogu hayn doono maadaama laga war helay inay xatooyo ama qish qorsheynayeen.
Sannadkii hore natiijada KCSE-da ayaa lagu dhawaaqay 21-kii bishii Diseembar.
Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa 2018-kii waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijadii KCSE-da ee u soo baxday 3,427 arday oo imtixaanka ku sameeyay 44 xarumood oo ka jiray 16 ka mid ah ismaamullada dalka sababo la xiriira wax isdaba marino awgood.
Sannadkii ka sii horreeyay ee 2017-kii , tirada ay arrintan saameysay ayaa ahayd 1,205 .
Sido kale sannad ka hor arday dhan 90,000 ayaa helay buundada C+ iyo wax ka sarreeya oo ay jaamacadaha ugu biireen.
Waxaa buundadii ugu horreysay oo ahayd 87.644 heshay Juliet Otieno oo waxbarashadeeda ka dhamaysay dugsiga sare ee gabdhaha ee Pangani Girls .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here