Natiijada KCSE oo la filayo ka hor ciidda Christmas

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaca ka qaaday in natiijada imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE) sannadkan 2019-ka in lagu dhawaaqi doono ka hor 25-ka bisha Disembar .
Magoha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu jeeg lacageed oo dhan 100 milyan dugsi ku wareejiyay isagoo wakiil ka ah madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Lacagtaasi ayaa loo adeegsan doonaa in dib u dhis lagu sameeyo dugsiga sare ee Kapsisywa iyadoo lagu sharfayo orodyahaanka Eliud Kipchoge oo sannadan gudihiisa guul caalami ah soo hooyay.
Wasiirka ayaa xusay in sannadkan ay jireen dhacdooyin aan badnayn oo la xiriira xatooyada imtixaanaadka KCSE-da balse shakhsiyaadkii ku lug lahaa la qabtay oo maxkamadda la soo taagay.
Imtixaanada KCSE-da ee sannadkan ayaa billowday 4-tii bishan 11-aad waxaana sameynaya ku dhawaad 700,000 oo arday ah guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here