Natiijada Tirakoobkii dalka laga sameeyay oo la shaaciyay

Waxaa maanta shaaca laga qaaday natiijadii ka soo baxday tirakoobkii wadanka laga sameeyay bilooyin ka hor.
Warbixinta waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka ayaa lagu xusay in tirada kenyaanka tobankii sano ee ugu dambeeyay ay ku darsantahay 9 milyan.
Sida natiijada ay muujinaysa waxaa gudaha wadanka ku nool 47.6 milyan oo qof marka la barbardhigo tiradii sannadkii 2009-kii ee ahayd 37.7 milyan.
Sido kale KNBS ayaa sheegtay in haweenka ay tiro ahaan ka badanyihiin ragga .
Tirada dumarka ee lagu diiwaangeliyay tirakoobkii sannadkan ayaa lagu sheegay 24 milyan halka ragga ay yihiin 23.6 milyan.
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday inay isdiiwaangeliyeen 1,524 qof oo ah dadka leh waxyaabaha lagu garto labada jinsi ee loo yaqaano labeebshaha.
Warbixinta tirakoobka ayaa lagu soo bandhigay madaxtooyada dalka ee State House ee magaaladatani Nairobi iyadoo lagu wareejiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha dalka aya sheegay in tirooyinka la soo saaray ay kaalin weyn ka qaadanayaan dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee adeegyada caafimaadka, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Waxaa uu wasaaradaha dowladda dhexe , waaxyaha hoos tago iyo ismaamulada ku amray inay natiijadan lagu dhawaaqay u adeegsadaan howlaha qorsheynta.
Ismaamulada dadka ugu tirada badan ay ku noolyihiin ayaa kala ah Nairobi, Kiambu, Nakuru, Kakamega, Bungoma, Meru and Kilifi waxaana ugu tiro yar Lamu, Isiolo, Samburu Tana River iyo Taita Taveta.
Caasimadda dalka ee Nairobi waxaa ku nool 4.4 milyan oo qof halka Kiambu iyo Nakuru laga diiwaangeliyay in ka badan 2 milyan .
15 ka mid ah ismaamulada dalka waxaa ku nool dad ay tiradoodu kor u dhaafayso hal milyan waxayna kala yihiin Kakamega (1.87 milyan) Bungoma( 1.67 milyan) Meru( 1.54) Kilifi (1.45),Mombasa, Kitui, Machakos, Murang’a, Uasin Gishu, Narok, Kajiado, Kisumu, Homa Bay, Migori iyo Kisii.
Marka la eego dhanka qoysaska waxaa ugu badan ismaamulada waqooyiga dalka .
Waxaa ugu horreeya Mandera oo isku celcelis ahaan halkii qoys ay ka koobanyihiin ku dhawaad 7 qof ,Wajeer 6, Garissa 6 , Marsabit 6 iyo Turkana 5.
Isku celcelis ahaan marka leego heer qaran waxaa guri kasta ku nool ilaa 4 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here