NCIC oo loo magacaabay guddoomiye cusub

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Samuel Kobia u soo xushay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC.
Kobia ayay da’adiisu tahay 72 sano jir waxaana laga xushay liis ka kooban ilaa 7 qof.
Liiskan waxaa ku jiray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ,Kenneth Marende, danjirihii hore ee Kenya ku matalayay Nigeria ,Francis Sigei iyo mas’uuliyiin kale.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale soo magacaabay xubnaha cusub ee guddiga NCIC waxaana ka mid ah Samuel Kona, Phillip Okundi, Peris Wambui Nyutu, Cabdicaziiz Cali Faarax ,Danvas Makori, Fatuma Tanyara iyo Dorcas Kedogo.
Magacyada Shakhsiyaadkan ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si turxaan bixin loogu sameeyo.
Magacaabidda guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga NCIC ayaa timid kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii saraakishii xilalkaasi hayay oo uu madax u ahaa Francis ole Kaparo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here