NCIC oo siyaasiyiinta uga digtay inay sameeyaan kicin dadweyne

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta qaar ee jeedinaya hadalada naceybka iyo kala qeybsanaanta ku saleysan ee keeni karo kicin dadweyne.
Wambui Nyutu oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddigan ayaa sheegtay inay kaashanayaa waxda qaran adeega booliska si loola socdo hadallada iyo ficillada siyaasiyiinta ku sugan isku soo baxyada.
Waxay dhanka kale sheegtay in ay adeegsan doonaan dad ka shaqeeya soo duubida hadalada siyaasiinta ay kula hadlayaan shacabka iyadoona codadkaasi ama muuqaladaasi caddeyn ahaan maxkamadda loogu bandhigi doono.
Sido kale waxay wacad ku martay in NCIC aynan marnaba ogolaan doonin in siyaasiyiinta iyagoo dano gaar ah leh ay wax u dhimaan xasiloonida iyo horumarka wadanka.
Mrs. Nyutu ayaa dhanka kale sheegtay inay ka shaqeyn doonaan sidii madaxda anshax xumada ku kaco ee shacabka isku diro looga hor istaagi lahaa inay isku soo sharaxaan xilalka hoggaanka marka doorashada guud ay dhacayso.
Guddiga ayaa xusay in ay ka qeyb galayaan isu soo baxyada lagu qabanaya dalka ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka keenyaanka si ay u dhageystaan hadalada ay siyaasiinta adeegsanayaan.
Dhawaan ayaa la filaaya in isu soo baxyo lagu qabto ismaamilada Nyandarua, Murang’a iyo Kirinyaga ee BBI
Guddiga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyuiinta in isu soo baxyada noqdaan kuwa nabad ah wuxuuna dhanka kale dhalinyarada uga digay inaan si khaldan loo adeegsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here