Ndayishimiyen oo loo dhaariyay madaxweeynaha cusub ee Burundi

Evariste Ndayishimiye ayaa maanta loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Burundi ka dib xaflad lagu qabtay caasimadda Gitega.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa ka dib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid madaxweynihii ka horreeyay.
Dhaaritaankiisa Khamiista, ayuu Ndayishimiye ballan-qaaday inuu u adeegsan doono dhammaan awoodiisa inuu difaaco danaha sare ee Qaranka iyo in la hubiyo midnimada qaranka iyo wadajirka dadka reer Burundi, nabadda iyo caddaaladda bulshada.
Pierre Nkurunziza, oo waddankan xukumayay muddo 15 sanadood oo buuq ah, ayaa u dhintay wadne xanuun usbuucii hore.
Tani waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Burundi ah lagu dhaariyo dadka hortooda oo aan ahayn baarlamaanka.
Warbixin ay soo saartay, hay’aada xuquuqda aadanah ee Amnesty International ayaa waxay ugu baaqday Ndayishimiye inuu dib ula midoobo garabka dhalinyarada ee Imbonerakure ee xisbiga talada haya, oo lagu eedeeyay dilalka iyo tacadiyada, isla markaana uu si deg deg ah ku siidaayo suxufiyiinta xiran iyo kuwa kale ee la xukumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here